Fariinta Afhayeenka Xildhibaanada DDS
Marwo: Ayaan Cabdi Maxamed

Sida ku cad qodobka 47aad ee dastuurka federaalka, deegaanka soomaalidu wuxuu ka mid yahay deegaanka ka tirsan nidaamka federaaliga ee dalku qaatay. sidoo kale isla qodobkaas wuxuu tilmaamayaa in qaab-dhismeedka dawliga ah ee deegaankasta uu ka kooban yahay sadeexda laamood ee dawladda; Sharci dajin, Fulin & Garsoor. Hadaba marka laga duulo aasaaska xafiiska golaha xildhibaanada waxaa uu lasoo bilaabmayaa sanadkii 1994 T.I. oo ah isla xiligii la diyaariyey dastuurka deegaanka ee dib loo habeeyay, kaasoo uu golaha xildhibaanada deegaanku si sharci ah unoqday haayad madaxbanaan, kana madaxbanaan labada laamood ee Fulinta iyo Garsoorka. Sida ku cad qodobka 48 ee dastuurka waa hay’ada ugu sareeysa ee nidaamka dawliga ah islamarkaasna ah sharci dajin.
Marka lagasoo bilaabo taniyo xiligii la bilaabay nidaamka dimuqraadiga ah baarlamaan shacabku soo doortay. Waxaa uu ahaa mid magac uyaal ah islamarkaasna ayba ku adkayd inuu si madaxbanaan uguto xilka & waajibaadka saran ee ah mataalaada shacabka soo doortay iyo la xisaabtanka laamaha fulinta iyo garsoorka. Sikastaba ha ahaatee waxaa xusid mudan taniyo xiligii la yagleelay xafiiska golaha baarlmaanka ee DDS waxaa ay golayaashii kaladuwanaa ee uu deegaanku yeeshay ansixiyeen 209 bayaan, ilaa 6 xeernidaameed iyo labo policy documents. Waloow ay hada xafiisku qorshe uqaatay in laga daba tago lana qiimeeyo bayaanadaas & xeernidaameed, muhiimada ay leeyihiin, inay shaqeeyaan iyo inkale, islamarkaasna lahubiyo dhaqangalkooda.
Hadaan kusoo noqono golahan cusub ee lasoo doortay sanadkii 2014 T.I, waa Golihii lixaad ee deegaanku yeesho, waaxaana uuna noqonayaa mid ku la odhankaro waxaa uu kusuntanyahay arimo uu kaga duwanyahay shanti gole ee ka horaysayba; waa mida koowaade golahani waxaa uu noqonayaa mid taariikhi ah, waayo waa markii ugu horaysay ee taariikhda DDS Afhayeen baarlamaanka deegaanka soomaalida loo doorto qof Dumar ahi, taasoo run ahaantii aan nasiib uyeeshay sharaf ayayna iitahay inaan daadihiyo golaha lixaad ee deegaanka, waa mida labaade waxaa iyana hubaal ah in Golahani yahay golahii ugu aqoonta badnaa ee abid lasoo doorto, marka la eego heerka aqoonta iyo khibrada xubnaha xildhibaanada ee lasoo doortay, taasina waa mid taariikhi ah.
Waa mida sadexaade golahani waxaa uu muujiyey inuu yahay gole si sax ah ugudanaya waajibaadkoodii shaqo, iyaga oo si cadcadaan leh ula xisaabtamayey laamaha kaladuwan ee Fulinta iyo Garsoorkaba, islamarkaasna muujiyey sida ay ugudanayaan waajibaadka saran oo ah matalaada shacabka, la xisaabtanka iyo dabagalka laamaha kaladuwan ee dawlada. Waxaa daliil u ah in shaashadaha kaladuwan ee warbaahinta si waaadix ah looga daalacanayey sida ay ula xisaabtamayeen laamaha, xafiisyada, wakaaldaha iyo dhamaan haayadaha kaladuwan ee dawliga ah ka jira DDS, waxaa Iyana lahubaa in markii uhu horaysay la arkay baarlamaan xor ah, aqoonleh, garanaya dawladnimada, gudanaya waajibaadka saran islamarkaasna garanaya in ay hubiyaan in adeegyada kaladuwan ee uu shacabku ubaahanyahay si sax ah loo maamulay, in baahiyahay shacabka laga jawaabo, in mashaariicaha ka socda deegaanku si wanaagsan loo hirgaliyey iyo inkale.
Waxaa taariikhda ku suntanaandoonta in golahani kaga duwananaandoono golayaashii lixda ahaa xildhibaanada ee deegaankeenu yeeshay, waxaa horay loosoo ansixiyey ilaa 209 bayaan, iyo ilaa 6 xeernidaameed waxaa golahan Sharaf u ah in iyaga oo cusub islamarkaasna kujira kalfadhigoodii ugu horeeyey kadib markii lasoo doortay ay fursad u heleen in lasoo hordigo bayaano gaadhaya ilaa 10, waxaa ayna fasaxeen todoba kamida halka ay golohu dib uceliyeen 3 kamid ah, islamarkaasna codsadeen in wax lagasoo badalo. Waana taariikhda deegaanka markii ugu horaysay ee bayaan dib loo celiyo, si saxana looga dodo, talona laga dhiibto six or ah, wadinyadina ku dheehantahay.
Hadaba si loosie xoojiyo bilowgaas fiican waxaa xafiiska mudo kooban ugu hirgalay hawlo badan oo ay kamidyihiin; Dhismaha Gudiyada joogtada ah ee golaha xildhibaanada; tayaynta iyo kobcinta awooda ee xildhibaanada gaar ahaan dhanka, sharcidajinta dabagalka iyo qiimaynta mashaariicaha; Dib usoo celinta hab maamuuseedka iyo meeqaamka xafiiska golaha baarlmaanka ee dhanka la xisaabtanka haaydaha kalduwan ee dawliga ah iyada oo xafiisyada kaladuwan ee muwaaqirka kujira si toos ah loola xisaabtamo xafiikana loogu yeedho; Diyaarinta liistiga hubinta qiimaynada iyo dabagalada gudiyada joogtada ah ee golha baalmaanka ee dhanka dabagalka mashaariicaha kasocda deegaanka; Dardargalinta dhismha cusub ee xafiiska iyo madasha kulama ee baarlamaanka DDS; Dib usoo noolaynta xidhiidhada iyo wadashaqaynta uu xafiisku la leeyahay haayadaha aan dawliga ahayn gaar ahaan kuwa ku shaqo leh kobcinta iyo adkaynta sharcidajinta iyo dawladnimada
Ugu dambayn aniga oo ah Qof Dumar ah ahna Afhayeenka Golaha Xildhibaanada ee Deegaanka soomaalida, sharaf wayn ayay iitahay inaan hogaamiyo golihii ugu tayada badnaa, ugu aqoonta badnaa, waxaan rabaa inaan usheego shacabka deegaanka oo dhan inay soo doorteen baarlamaankii si dhab ah umatalilahaa, baarlamaan kahadlada baahidooda, baarlamaan xukuumada sitoos ah ula xisaabtama, waxaan usheegayaa shacabka deegaanka in xildhibaanadii ay soo doorteen yihiin xildhibaano lagu aaminikaro matalaada shacabka islamarkaasna utaagan gudashada waajibaadkii loo igmaday.
Mahadsanidiin