Gudiga Xidhiihdhka

Qaab Dhismeedka

B. Gudiga xidhiidhintu wuxuu ka koobnaan xubnaha hoos ku xusan

  1. Af-hayeenka
  2. Af-hayeen ku xigeenka
  3. Gudoomiyaha iyo ku xigeenada gudiyada joogtada ah 
  4. Madax xafiiseedka golaha
  5.  Wakiilada xisbiyada siyaasadeed ee golaha ku leh kuraas dhan toban iyo wax ka badan.

T. Gudiga xidhiidhinta waxaa gudoomiye u ah oo hogaamin af- hayeenka golaha

J. Madaxa xafiiska goluhu waa xog-hayaha gudiga xidhiidhinta.

Xilka iyo Waajibaadka Gudiga Xidhiidhka

  1. Wuxuu xidhiidhiyaa isku dubaridaa islalmarkaana daba gal ku sameeya taabagalka geedi-socodka hawlaha guud ee gudiyada
  2. Wuxuu qiimeeya islalmarkaana jiheeya arrimaha muhiimka ah iyo hawlaha guud ee gudiyada joogtada ee
  3. Wuxuu kala saara islamarkaana u xil saara gudiyada joogtada hay’adaha dawliga ah ee ay dabagalka iyo koormeerka ku
  4. Marka la aasaaso xafiisyo cusub ama isbadal lagu sameeyo qaab dhismeedka hay’adaha dawlada ayuu ku meeleeyaa gudiga joogtada ah ee ay khusayso in uu dabagal iyo koormeer ku sameeyo isagoo ka duulaya dabciiga shaqo ee
  5. Wuxuu hubiyaa (baadhaa) islamarkaana ka qaada talaabo sixitaan ee ku haboon qorshayaasha iyo warbixinada waxqabadka gudiyada joogtada ee
  1. Wuxuu soo diyaariya islamarkaana go’aamiyaa ajaandayaasha iyo hanaanka qoondaynta wakhtiga dooda iyo hadalka
  2. Wuxuu go’aamiyaa oo uu qoondeeyaa wakhtiga ajande kasta loogu tala galay ee looga hadli
  3. Wuxuu golaha u soo dhaweyn karaa ra’yi qabyo ah oo la xidhiidha wax ka badalka xeer-nidaameedkan hanaanka shaqo iyo anshaxa xubnaha golaha marka uu lagama maarmaan u
  4. Iyadoo ay  sideedada  yihiin  qodobada  kale  ee  lagu  xeeriyay xeer-nidaameedkan wuxuu fasiraa xeer-nidaameedkan.
  5. Wuxuu soo saaraa awaamiir ama habracyo lagu fulinayo xeer-nidaameedkan.
  6. Wuxuu soo diyaariyaa islamarkaana hordhiga golaha miisaaniyada qabyada ee sanadka ah ee
  1. Wuxuu daba gal iyo koormeer ku sameeya shaqaalaha, maamulka maaliyada iyo hantida golaha marka uu lagama maarmaan u arkana wuxuu u gudbiyaa af-hayeenka natiijada si uu talabooyin u
  2. Wuxuu dabagala islamarkaana isku duba ridaa hawlaha la xidhiidha muuqaalka sumcadeed ee goluhu ku leeyahay deegaanka, wadanka iyo caalamka
  3. Wuxuu daraasad ku sameeyaa tabaha iyo marxaladaha kor loogu qaadi karo waxtarnimada waxqabadka gudiyada joogtada ee golaha
  4. Wuxuu ka dooda islamarkaana go’aamiyaa arrimaha kale ee ay u soo gudbiyaan af-hayeenka ama gudiyada joogtada ah ama xubnaha gudiga
  5. Wuxuu Golaha u gudbiyaa ra’yi go’aameed ku sabsan in la dhiso ama la asaaso gudi cusub oo joogta ah.
Skip to content