Guddiga Joogtada ee Horumarinta Kaabayaasha Aas-aasiga ah.
Xafiisyada ay kor-joogteeyan Guddiyada Joogtada ee Horumarinta Kaabayaasha Aas-aasiga ah:-
- Xafiiska Dhismaha iyo Horumaarinta magaalooyinka;
- Xafiiska Ganacsiga, Gadiidka iyo Warshadaha;
- Wakaalada Horumaarinta Jidadka;
- Wakaalada Malgalinta;
- Wakaalada Horumaarinta shirkadaha yar-yar;
- Iyo shirkadaha dawliga ee Horumaarinta ee hoos yimaada Xafiisyadani.
Guddiga Joogtada ee Horumarinta Kabayaasha Aas-aasigu Hawlaha ay qabtaan oo faah-faahsan.
- In iyadoo la qiimeeynayo lana falanqeeynayo Qorshe sanadeedka shaqo iyo Qorshaha guud ee shanta sano ee hay’addahan dawladda in la xaqiijiyo inu yahay Qorshe horseedi karaa xal waara;
- Qiimaynta iyo falanqeeynta warbixinaha waxqabad ee qorshaha shaqo inu ku jaango’anyahay islamarkaana ku saleysan yahay Qorshaha guud iyo Qorshaha hawlgal ee qaran ee xuquuqul insaanka;
- Inay iyagoo qabiilayo cabaashooyinka iyo xogaha ka soo gaadha qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa la horseedi in go’aano dhaxalgal ah oo degdegsimo leh shacabka loo fidiyo islamarkaana waxay la socoon oo ay ka warhayn meel-maarinta arrimahasi;
- hadaba arrimaha haboon in mudnan la siiyo inta jeeklisti shaqo loo diyaariyo ayaa la sameeyn booqashooyin iyo indho-indhayn u kuurgal oo lagu tagayo gobollada iyo degmooyinka kala duwan;
- booqashooyinka indho-indhaynta ee la sameeyay inta jawaab celin laga diyaariyo ayaa loo gudbin laamaha ay khuseeyso si ay u qadan talaabooyin sixitaan;
- si loo xaliyo dhaliilaha lagu ogaaday booqashooyinka indho-indhaynta ayaa inta loo yeedho hay’addaha fulineed la suurtogalin in la qaado talaabooyin sixitaan;
- marka lagu jiro g/socodka dabagalka haddii dhaliilaha soo baxay ay yihiin kuwo ay tahay in lagu xaliyo heer degmo isla goobtaas ayay laamaha ay khuseeyso lagala hadli sidii xal loogu heli lahaa;
- Waxaa la diyaarin islamarkaana lala socodsiin laamaha ay khuseeyso warbixin jawaab celin iyo talo bixin la xidhiidha hawlgalada Guddiga;
- Waxaa booqasho iyo u kuurgal lagu sameeyn xalaada dhismaha Jidadka lamayda ah ee deegaanku malgaliyay, nidaamka liiska ee lagu bixiyay iyo wakhtiga dhamystirka ee dhismyaasha waa weyn ee gaarka loo leeyahay ee laga dhisayo Goobo dawladdu siiyay si loo ogaado in loo maray hab wafaaqsan nidaamka liiska islamarkaana in ay wafaaqsan yihiin bayaanka dhismaha ee federaalka iyo halbeegyada dhismayaasha ee lagu qeexay Qorshaha hawlgal ee qaran ee xuquuqul insaanka.
- Hagaajinta bilicda magaalooyinka iyo hirgalinta qorshe-hagaha magalooyinka sida u yahay.
- Waxaa la booqan islamarkaana loo kuurgali xalaada jidadka dadweynaha ee magaalada jig-jiga,
- Waxaa la booqan islamarkaana la qiimayn waxyaabaha laga qabtay dhinacyada guryeynta iyo hanaanka maamulkooda,
- Waxaa la qiimayn islamarkaana loo kuurgali waxyaabaha laga qabtay dhinacyada shaqo abuurka iyo kobcinta shirkadaha yar-yar ee warshadaha iyo ganacsiga yar-yar.
- Waxaa la qiimayn islamarkaana loo kuurgali xalaada laydhgalinta tuulooyinka miyiga;
- Waxaa la qiimayn islamarkaana loo kuurgali hanaanka adeeg bixinta iyo xalaada gadiidka dadweynaha ee magaalooyinka. Gaar ahaan. Shirkada adeega gadiidka dadweynaha iyo adeeg bixinta guud ahaan gadiidka ee magaalada jig-jiga.
- Waxaa la qiimayn islamarkaana loo kuurgali xalaada adeeg bixinta iyo gadhsiinta iyo heer daboolka deegaanka ee adeegyada hay’addaha Horumaarinta kabaayasha horumaarinta ee federaalka sida laydhka, telefoonada iyo baangiga Ganacsiga ee Itoobiya, heer daboolka gaadhsiinta adeegyadani marayan iyo sababaha ugu wacan haddii gaabsi jiro ?, dhinacyada fursadaha shaqo ee muwaadiniinta deegaanka ka soo jeeda?
- Waxaa la qiimayn islamarkaana loo kuurgali xalaada hirgalinta ganacsiga xuduudaha iyo nidaamka cashuur-dhaafka waxyaabaha daruuriga ah?.
- Waxaa loo kuurgali lana qiimayn hanaanka fulineed iyo ku dhaqanka bayaanada u goluhu ansixiyay iyo kuwa heer qaran ee xadkooda fulineed dalka oo dhan yahay ee la xidhiidha hawlaha shaqo ee xafiisyada guddigu korjoogteeyan.
- Sanadkiiba labo jeer inta loo yeedho xafiisyada fulineed ee guddiga hoos yimaada oo waata shirkadaha hoos yimaada iyo waaxyaha muhiimka ah ee ay ka kooban yihiin ayaa la qiimeeyn warbixinta waxqabad ee lixda bilood iyo mida sanadlaha ah;
- Natiijada warbixinta waxqabad ee qorshaha shaqo ee lixda bilood iyo mida sanadlaha ahba ayaa inta warbixin laga diyaariyo lala socodsiin laamaha ay khuseeyso.
- Waxay waayo-araagnimo iyo khiibraad wadaag la yeelan deegaanada ku dayaashada mudan ee dalka;
- Hadaba sida ay munaasibka u tahay waxay ka qaybgali shirarka heer federal ee loogu yeedho Guddiga;
- Hadaba sida ay munaasibka u tahay waxay ka qaybgali oo ay fariimaha iyo macluumaadka ku haboon ay ka gudbin fagaarayasha wada xajood ee ay soo Agaasiman haya’ddaha kala duwan ee deegaanka ee ka shaqeeya arrimaha la halmaala ujeedooyinka Guddigani;
- Warbixin tibaaxaysa hawlaha shaqo ee ay Guddigu qabteen ayay dhamaadka sanadka u dhaweeyn kalfadhiga golaha;