Xogta Golaha
Kadib markii sanadkii 1983 T.I. majaaraha loo siibay taliskii dhargiiga ee ku caan baxay cadadiska iyo cabuudhinta Xuquuqaha Qoomiyadaha Reer Itoobiya, waxaa lagu heshiiyay in la ansixiyo axdi kala guur ah (charter) oo muddo sadeex sano ah shaqeeynayaa dalka laga dhiso dawlad ku meel-gaadh ah oo uu gogol-xaadha sidii loogu guuri lahaa nidaam rasmiyaa oo federal ah. Mudadii kala guurka waxaa la soo saaray bayaanka tirsigiisu yahay 7/1984 oo lagu asaasay 14 kilil oo kililka shanaad oo qoomiyada soomaalida leedahay uu ka mid ahaa. Halkaas ayuu ka soo bilaabmay asaaska gole u gaara qoomiyada soomaalida ee horeeyay ee tariikhiyaan ay qoomiyada soomaalidu kuj yeelato dalka Itoobiya. Golahas oo muddo xilleedkiisu ahaa sadeex sano wuxuu ka koobna xubno tiradoodu dhan tahay oo dhamaantood ka koobnaa lab. Sii Akhriso…
Golaha 6aad ee Xildhibaanda DDS
Golaha Xildhibaanada 6aad waa gole taariikhi ah oo si gaar ah ugu suntanaan doona taariikhda maadaama uu yahay golihii ugu aqoonta, tayada, kartida iyo waaya aragnimada badnaa ee deegaanku yeesho kaasoo ah kii ugu horeeyay ee ku yimaada rabitaanka shacabka. Waa gole leh damqasho shacab kuna jooga rabitaanka dadkii soo doortay lehna aqoon iyo karti ay ku la xisaabtamaan golaha fulinta kuna hagaan masiirka dalka iyo deegaanka ay matalayaan.
Himilada
Goluhu wuxuu hiigsanaya inu sanadka 2025ka u Itoobiya tusaale ugu noqdo dhanka dhismaha hay’ad barlamaan oo u ka hanaaqaday nidaamka Demoqraadiyadeed ee asxaabta badan.
Hadafka
- Soo saarida shuruuc waxku ool u ah dhismaha nidaamka dimoqraadiyadeed, taabogalinta maamul suuban iyo nabadgelyo waarta, xaqiijinta horumaarinta arrimaha bulshada iyo dhaqaalaha;
- Dabagalka iyo korjoogteynta habsami u fulinta iyo ku dhaqanka shuruucda Goluhu soo saaray, Siyaasadaha iyo Qorshayaasha dawladda, iyo xaqiijinta ka fa’iidaysiga shacabka ee hantida iyo khayraadka la qoondeeyay
- Taabogalinta Hab iyo nidaam shaqo oo gacan ka geeysta xoojinta nidaamka barlamaan ee asxaabta badan ee Golaha, iyo xaqiijinta jiritaanka ka qaybgal cadaali ah ee dhaqdhaqaaqyada shaqo ee Golaha.
Qiyamka
- Taabogalinta hanaan shaqo oo u hogaansan Dastuurka iyo shacabka;
- Taabogalinta hanaan shaqo oo ixtiraama saraynta sharciga;
- Taabogalinta hanaan shaqo oo ku gaashaman dulqaad iyo Isfahan midaysan;
- Taabogalinta hanaan shaqo oo leh Cad-cadaan, dacaadnimo, ka qaybgal iyo isla xisaabtan;
- Taabogalinta hanaan shaqo oo Firfircoon oo waxtar leh.