Guddiga Joogtada ee arrimaha Miisaaniyadda iyo Maaliyadda
Xafiisyada ay Kor-joogteeyan Guddiga Joogtada ee Miisaaniyaddu:-
- Xafiiska Maaliyada iyo Horumaarinta Dhaqaalaha
- Wakaalada Dakhliga
Guddiga Joogtada ee Miisaaniyaddu Hawlaha ay Qabtaan oo Faah-faahsan
- Guddiyada Joogtada ee arrimaha Miisaaniyada iyo Maaliyadu In iyadoo la qiimeeynayo lana falanqeeynayo Qorshe sanadeedka shaqo iyo Qorshaha guud ee shanta sano ee hay’addaha dawladda in la xaqiijiyo inu yahay Qorshe horseedi karaa xal waara;
- Waxay waayo-araagnimo iyo khiibraad wadaag la yeelan deegaanada ku dayaashada mudan
- Qiimaynta iyo falanqeeynta warbixinaha waxqabad ee qorshaha shaqo inu ku jaango’anyahay islamarkaana ku saleeysan yahay Qorshaha guud iyo Qorshaha hawlgal ee qaran ee xuquuqul insaanka;
- iyagoo la qabiilayo cabaashooyinka iyo xogaha ka soo gaadha qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa la horseedi in go’aano dhaxalgal ah oo degdegsimo leh shacabka loo fidiyo, waxayna la socoon oo ay ka warhayn meel-maarinta arrimahasi;
- hadaba arrimaha haboon in mudnaan la siiyo inta jeeklisti shaqo loo diyaariyo ayaa la sameeyn booqashooyin iyo indho-indhayn u kuurgal oo lagu tagayo gobollada iyo degmooyinka;
- booqashooyinka indho-indhaynta la sameeyay inta jawaab celin laga diyaariyo ayaa loo gudbin laamaha ay khuseeyso si ay uga guutan talaabooyinka ku haboon ee sixitaan;
- si loo xaliyo dhaliilaha lagu ogaaday booqashooyinka indho-indhaynta ayaa inta loo yeedho hay’addaha fulineed la suurtogalin in la qaado talaabooyin sixitaan;
- marka lagu jiro g/socodka dabagalka haddii dhaliilaha soo baxay ay yihiin kuwo ay tahay in lagu xaliyo heer degmo isla goobtaas ayay laamaha ay khuseeyso lagala hadli sidii xal loogu heli lahaa;
- Waxaa la diyaarin islamarkaana lala socodsiin laamaha ay khuseeyso warbixin jawaab celin iyo talo bixin la xidhiidha hawlgalada Guddiga.
- Waxaa la qaban kullan ka soo qaybgalayan Guddiga joogtada ee arrimaha miisaaniyadu iyo Xafiiska Maaliyada iyo Hor. Dhaqaalaha oo lagu abuurayo fahan iyo aragti midaysan oo isafgaarad oo ku sabsan dhaqangalinta awaamiirta Tirsigeedu yahay 5/2007 T.I. ee ku soo baxday Go’aaminta Hanaanka Ansixinta Miisaaniyada ee Golaha Deegaanka Soomaalida.
- Waxaa booqasho iyo u kuurgal lagu sameeyn hanaanka dakhli uruurinta 6aad maamul magaalo iyo keelaha cashuuraadka ee karaamara iyo degmooyinka Awbare, shiniile, waqooyiga jIg-jiga, Erer, qabri bayax, Doollo caddo iyo tuli guuleed ee u ka soo baxo dakhli aad u sareeya iyagoo qiimaynaya dhaliilaha iyo goddaloolooyinka ku gadaaman.
- Waxay qiimayn islamarkaana u kuurgali hanaanka fulineed ee cashuurta isticmaalka dhulka miyiga iyo gunada dhaqashada xoolaha nool iyagoo si qooto-dheer u darsaya is wafaaqsanaanta cashuurta la qado iyo cadadka lagu xeeriyay bayaanada ku soo baxay cashuurahani ee 11 Degmo ee Gobolka faafan. Waxayna wada tashi iyo wada xajood la wadaagi shacabka degmooyinkas.
- Sanadkiiba labo jeer inta loo yeedho xafiisyada fulineed iyo waaxyaha muhiimka ah ayaa la qiimeeyn warbixinta waxqabad ee lixda bilood;
- Natiijada warbixinta waxqabad ee qorshaha shaqo ee lix bilood ayaa inta warbixin laga diyaariyo lala socodsiin laamaha ay khuseeyso.
- Xafiisyada maaliyada , dakhliga , caafimaadka iyo 6 maamul magaalo ayaa loo kuurgali islamarkaana la booqan hanaanka maamulka iyo daryeelka hantida , dayactirka iyo xalaada gadiidkooda, waxaana si gaara loo eegii xalaada gadiidkii lagala fakaday deegaanka gaar ahaan laamahani haddii ay jiraan ;
- Hadaba sida ay munaasibka u tahay waxay ka qaybgali shirarka heer federal ee loogu yeedho Guddiga;
- Hadaba sida ay munaasibka u tahay waxay ka qaybgali oo ay fariimaha iyo macluumaadka ku haboon ay ka gudbin fagaarayasha wada xajood ee ay soo Agaasiman haya’ddaha kala duwan ee deegaanka ee ka shaqeeya arrimaha la halmaala ujeedooyinka Guddigani;
- Waxay qiimayn islamarkaana soo eegii jiritaan iyo fulinta hanaan cadaali qoondeeynta miisaaniyadeed oo ku haboon horumarka ee degmooyinka gobolka Shabeele. Sidoo kale, waxay xafiiska maaliyada kala hadli qaabka iyo qaciidada degmooyinka miisaaniyada loogu qaybiyo islamarkaana waxay qiimayn in qaciidadasi tahay mid cadaali ah oo horseedaysa Horumar taam ah.
- Waxay Warbixin tibaaxaysa hawlaha shaqo ee ay Guddigu qabteen ayay sanadkiiba hal mar u bandhigi kalfadhiga golaha ee dhamaadka sanadka.