Guddiga Joogtada ee Arrimaha Haweenka, dhalinyarada iyo caruurta

Xafiisyada ay kor-joogteeyan Guddiga Joogtada ee arrimaha bulshada iyo kobcinta awoodu:-
  1. Xafiiska waxbarashada
  2. Xafiiska caafimaadka
  3. Xafiiska adeega shacabka iyo horumaarinta cuduuda da’deed
  4. Xafiiska dhaqanka iyo dalxiiska
  5. Xafiiska ka hortaga iyo xakamaynta cudurka HIV/Aidhiska
  6. Kulliyada adeega shacabka iyo mareeynta maamulka
  7. Xafiiska Xidhiidhka arrimaha dawladda
  8. Xafiiska tababarada iyo farsamada gacanta
  9. Xafiiska sayniska iyo taknologiyada
  10. Xafiiska Shaqaalaha iyo arrimaha bulshada
  11. Xafiiska u diyaargaroowga iyo ka hortaga masiibooyinka
  12. Xafiiska arrimaha dhalinyaraada iyo Ciyaaraha
Guddiga Joogtada ee arrimaha bulshada iyo kobcinta awoodu hawlaha ay qabtan oo faah-faahsan
  1. Guddiga Joogtada ah ee arrimaha Haweenku waxay fulin waajibaadka hoos ku cad:-
    I. Wuxuu dabagalaa islamarkaana xaqiijiyaa ilaalinta iyo ka fa’iidaysiga haweenka ee xuquuqaha asaasiga ee haweenka ee lagu cadeeyay dastuurka.
    2. Waxay baadhaan islamarkaana in la badalo sahlan shuruucda cadaadiska ku ah haweenka iyagoo raciya in sharci cusub la curiyo.
    3. Waxay xaqiijin marka bayaano iyo qorshayaal la ansixinayo ama la soo sarayo in ayna ka muuqan eex, jinsiyadeed iyo caadadis.
    4. Iyadoo la tixgelinayo yasidii iyo takooridii noqotay dhaxaalka taariikheed ee haweenka, si loo helo sixitaan arrinta la xidhiidha waxay xaq u leeyihiin inay helaan talaabooyin taaageero oo
    dheeraad ah oo ay ka faa’iidaystaan.hadafka talaabooyinkaasi wuxuu noqonayaa mid dhinacyada siyaasada, bulshada, dhaqaalaha iyo dhismayaasha kale ee dawlada iyo kuwa gaar ahaaneedba haweenku uga qayb qataan, kuna helaan tixgelin gaar ah oo u suurto galisa in ay si siman ula tartamaan raga ayay sahlan.

5. Waxay dabagalaan islamarkaana la socdaan sugida xaq haweenku u leeyihiin in ay yeeshaan hanti, maamulaan, 106 kormeeraan, adeegsadaan, ay cid kale ku wareejiyaan islamarkaana ay dhaxlaan.
6. Waxay xaqiijiyaan islamarkaana dabagalaan sugida xaqa ay haweenku una siman yihiin raga arrimaha shaqaalaynta, dalacaada, mushaarka iyo gudbinta xaqa hawlgabka.
7. Wxay la socdaan islamarkaana xaqiijinta tabagalinta xaqa ay haweenku u leeyihiin in lagala tashado diyaarinta hirgalinta qorshayaasha siyaasadeed iyo horumarineed ee deegaanka,gaar ahaan kuwa saamaynta tooska ku leh haweenka oo ay hanaan dhamaystiran fikirkooda uga dhibtaan islamarkaana siyaasadaha arrimaha haweenka si buuxa looga dhaqangaliyo hay.adaha kale gedisan.
8. Waxay dabagalaan islamarkaana u kuurgalaan shuruucda, dhaqamada iyo cadooyinka haweenka u keenaya cadaadis iyo
waxyeelo gaadhi karaa jidhkooda ama damiirkooda oo ay ka xoroobaan dhaqamada xun.

9. Waxay xaqiijiyaan islamarkaana u kurgalaan tabagalinta haweenku u leeyihiin helitaanka waxbarashada qorshaha qoyska ee u sahlaysa in ay haweenka ka hor tagan dhibaatooyinka cafimaad ee ka soo gaadha uurka iyo dhalmada.
10.Waxay haweenka siiyaan taageerada ku haboon in ay sugaan islamarkaana u halgamaan xaqa ay haweenku u leeyihiin in ay
isku abaabulaan Hadaba baahida iyo noocyadooda rabitaan.
11.Waxay xaqiijiyaan islamarkaana badagalaan in guud ahaan dhaqdhaqyada shaqo ee ay wado dawlada deegaanku ay 107 yihiin kuwo xaqiijinaya xaqa ka qaybgalka ay haweenku u la
siman yihiin iyo in ay si siman uga faa’iidaystaan loona xaqiijiyo hab wafaaqsan dastuurka iyo siyaasadaha dawladda.
12. Wuxuu dabagala xafiiska arrimaha haweenka.

Skip to content