Guddiyada Joogtada ee Arrimaha Sharciyada iyo Maamulka

Xafiisyada ay Kor-joogteeyan Guddiyada Joogtada ee Arrimaha Sharciyada iyo Maamulku:-
  1. Xafiiska Nabadgelyada Iyo Maamulka Cadaalada
  2. Xafiiska X/Ilaalinta Guud Iyo Cadaalada
  3. Xafiiska madaxtooyada
  4. Koomiishinka Anshaxa Iyo La Dagaalanka Musuuqa,
  5. Koomiishinka Booliska
  6. Haya’dda Garsoorka
  7. Komiishinka Asluubta
  8. Xafiiska Xuduudaha iyo Xalinta Khiilaafadka
  9. Wakaalada Diiwaangalinta Marxalaadaha muhiimka ah
Guddiyada Joogtada ee Arrimaha Sharciyada iyo Maamulku hawlaha ay qabtan oo faah-faahsan
  • Qorshe sanadeedka shaqo ee hay’addaha dawladda intay qiimeeyn iyo falanqeeyn ku sameeyan ayay xaqiijin in u yahay Qorshe horseedi karaa xal waara;
  • Qiimaynta iyo falanqeeynta warbixinaha waxqabad ee qorshaha shaqo u ku jaango’anyahay islamarkaana ku saleeysan yahay Qorshaha guud iyo Qorshaha hawlgal ee qaran ee xuquuqul insaanka;
  • iyagoo la qabiilayo cabaashooyinka iyo xogaha ka soo gaadha qaybaha kala duwan ee bulshada ayay horseedi in go’aano dhaxalgal ah oo degdegsimo leh shacabka loo fidiyo, waxayna la socoon oo ay ka warhayn meel-maarinta arrimahasi;
  • hadaba arrimaha haboon in mudnaan la siiyo inta jeeklisti shaqo loo diyaariyo ayay sameeyn booqashooyin indho-indhayn oo u kuurgal;
  • booqashooyinka indho-indhayn ee la sameeyay inta jawaab celin laga diyaariyo ayaa loo gudbin laamaha ay khuseeyso si ay u qaadan talaabooyin sixitaan;
  • si loo xaliyo dhaliilaha lagu ogaaday booqashooyinka indho-indhaynta ayaa inta loo yeedhayo hay’addaha fulineed la suurtogalin in la qaado talaabooyin sixitaan;
  • marka lagu jiro g/socodka dabagalka haddii dhaliilaha soo baxay ay yihiin kuwo ay tahay in lagu xaliyo heer degmo isla goobtaas ayay laamaha ay khuseeyso lagala hadli sidii xal loogu heli lahaa.
  • Waxaa la diyaarin islamarkaana lala socodsiin laamaha ay khuseeyso warbixin jawaab celin iyo talo bixin la xidhiidha hawlgalada Guddiga;
  • Waxay booqan islamarkaana u kuurgali xalaada deganaansho iyo xasiiloonida iyo amaanka meelaha ku yaala xuduudaha deegaanada dariska ah.
  • Booqashada iyo u kuurgalida jeelasha ka jira Gobollada iyo deegaanka iyadoo loo kuurgalayo hanaanka taabogalinta xuquuqaha maxaabista ee lagu tilmaamay dastuurka iyo Qorshaha qaran ee xuquuqaha aadamaha;
  • Sanadkiiba labo jeer inta loo yeedho xafiisyada fulineed iyo waaxyaha muhiimka ah ayaa la qiimeeyn warbixinta waxqabad ee lixda bilood;
  • Natiijada warbixinta waxqabad ee qorshaha shaqo ee lixda bilood ayaa inta warbixin laga diyaariyo lala socodsiin laamaha ay khuseeyso.
  • Hadaba sida ay munaasibka u tahay waxay ka qaybgali shirarka heer federal ee loogu yeedho Guddiga;
  • Hadaba sida ay munaasibka u tahay waxay ka qaybgali oo ay fariimaha iyo macluumaadka ku haboon ay ka gudbin fagaarayasha wada xajood ee ay soo Agaasiman haya’ddaha kala duwan ee deegaanka ee ka shaqeeya arrimaha la halmaala ujeedooyinka Guddigani;
  • Waxay Warbixin tibaaxaysa hawlaha shaqo ee ay Guddigu qabteen ayay sanadkiiba hal mar u bandhigi kalfadhiga golaha dhamaadka sanadkasta.