Gudiga Horumarinta Xoolodhaqatada
Guddiga Joogtada ee Hor.Xoolo-dhaqaatadu Xafiisyada ay kor-joogteeyan
- Xafiiska Horumaarinta Khayraadka Biyaha
- Xafiiska Horumaarinta Khayraadka Xoolaha Iyo Reer Guuraga
- Xafiiska Beeraha Iyo Khayraasdka Dabiciga ah
- Xafiiska Ka Hortaga Masiibooyinka
- Xafiiska Macdanta, Tamarta Iyo Ilaalinta Deeganka
- Wakaalada Dhisida Iyo Kobcinta Iskaashatooyinka
- Ma’chadka Cilmi-Baadhista Xoolaha Iyo Beeraha
- Xafiiska Horumaarinta Waraabka Iyo Dooxooyinka
- Mashruuca Horumaarinta Bulshada Xoolo-Dhaqaatada
- Xafiiska shaqaalaha iyo arrimaha bulshada.
Guddiga Joogtada ee Hor.Xoolo-dhaqaatadu hawlaha ay qabtan oo faah-faahsan
- Qorshe sanadeedka shaqo ee hay’addaha dawladda intay qiimeeyn iyo falanqeeyn ku sameeyan ayay xaqiijin inu yahay Qorshe horseedi karaa xal waara oo ku saleeysan Qorshaha hawlgal ee qaran ee xuquuqul insaanka;
- Qiimaynta iyo falanqeeynta warbixinaha waxqabad ee qorshaha shaqo inu ku jaango’anyahay islamarkaana ku saleeysan yahay Qorshaha guud Xafiiska iyo Qorshaha hawlgal ee qaran ee xuquuqul insaanka;
- Waxay booqasho wada xajood iyo u kuurgal ku tagi xaruumaha xafiisyada ay Guddigu korjoogteynta ku sameeyan iyagoo si gaara ugu kuurgalaya jawiiga shaqo ee ka jiraa xafisyadas, nidaamka maamulka shaqaale iyo hantiba, gaar ahaan haddii ay jiraan agab iyo gadiid ka maqan xafiiska waxa u ka qabtay iyo qaabka loo mareyay;
- Mashaaricaha kala duwan ee SDG deegaanka laga fuliyay si xalaadooda loogu kuurgalo ayaa la booqan mashaaricaha laga fuliyay degmooyinka gobollada Erer, Faafan, Jarar, Qoraxay iyo Shabeele.
- booqashooyinka indho-indhayn ee la sameeyay inta jawaab celin laga diyaariyo ayaa loo gudbin laamaha ay khuseeyso si ay u qaadan talaabooyin sixitaan;
- si loo xaliyo dhaliilaha lagu ogaaday booqashooyinka indho-indhaynta ayaa inta loo yeedho hay’addaha fulineed ee ay khuseeyso la suurtogalin in la qaado talaabooyin sixitaan;
- marka lagu jiro g/socodka dabagalka haddii dhaliilaha soo baxay ay yihiin kuwo ay tahay in lagu xaliyo heer degmo isla goobtaas ayaa laamaha ay khuseeyso lagala hadli sidii xal loogu heli lahaa;
- Waxaa la diyaarin islamarkaana lala socodsiin laamaha ay khuseeyso warbixin jawaab celin iyo talo bixin ah oo la xidhiidha hawlgalada Guddiga
- waxaa dabagal iyo u kuurgal lagu sameeyn xalaada goobaha dib u dajinta iyo isku uruurinta dadku ka socoto si loo xaqiijiyo inu ku salaysan yahay rabitaanka shacabka, islamarkaana waxaa loo kuurgali jiritaanka biyo la cabo (dad iyo xoolaba), in loo dhamaystiray oo ay shaqeeyan Dugsiyada waxbarasho iyo xaruumaha caafimaadkuba sidoo kale in ay jiraan dhul daaqasimeedka iyo wax soo saar oo ku filan, waxana la qiimayn heerka ka fa’iidaysi ee shacabka.
- waxaa booqasho iyo qiimayn lagu sameeyn xalaada dhismaha mashruuca weyn ee karaatinka ee laga fulinayo duleedka magaalada jig-jiga (qabaalaha Hare), xarunta gawraaca xoolaha ee magaalada jig-jiga iyadoo xal waara loo jaxaayo cabaashooyinka shacabku ka muujinayan ee la xidhiidha dhibaatooyin ka jira ;
- waxaa la qiimayn loona kuurgali xalaada fulineed ee bayaanka maamulka iyo isticmaalka dhulka miyiga si loo ogaado fa’iidooyinka u keenay iyo heerka u marayo fulintiisu;
- booqashada iyo u kuurgalida xalaada biyaha magaalada Jig-jiga;
- waxaa la soo indho-indheeyn loona kuurgali wax soo saarka dalaga beeraha ee 6 degmo oo ka kala tirsan gobollada Faafan, Shabeele iyo Sitii islamarkaana la qiimayn in tageerooyinka kala duwan ee lama huraanka ah heer deegaan gaadhsiiyay/la bar-bartagaan iyo ka fa’iidaysiga wax soo saarka ee biyo-xidheenada waa weyn ee deegaanka iyo waabiyada deegaanka mara;
- waxaa loo kuurgali islamarkaana la booqan hanaanka shaqo iyo awooda fulineed, maamul iyo tageerada heer deegaan ee la siiyay wakaalada adeega biyaha ee 6ad maamul magaalo iyo 11 degmo oo ka tirsan 11ka gobo lee deegaanka;
- Sanadkiiba labo jeer inta loo yeedho xafiisyada fulineed iyo waaxyaha muhiimka ah ayaa la qiimeeyn warbixinta waxqabad ee lixda bilood iyo mida sanadlaha ahba;
- Natiijada warbixinta waxqabad ee qorshaha shaqo ee lixda bilood iyo mida sanadlaha ahba intay warbixin ka diyaariyan ayay la socodsiin laamaha ay khuseeyso.
- Waxaa booqasho qiimayn loogu kuurgali xalaada ilaalinta deegaanka iyo nabaad-guurka goobaha qaxootigu degan yahay islamarkaana waxaa laga baarandeegi ka fa’iidaysiga iyo waxqabadka hay’addaha ka hawlgala xeeryaha qaxootigu u leeyihiin dadka wadaniga ah ee martigaliyay qaxootiga;
- Hadaba sida ay munaasibka u tahay waxay ka qaybgali shirarka heer federal ee loogu yeedho Guddiga;
- Hadaba sida ay munaasibka u tahay waxay ka qaybgali oo ay fariimaha iyo macluumaadka ku haboon ay ka gudbin fagaarayasha wada xajood ee ay soo Agaasiman haya’ddaha kala duwan ee deegaanka ee ka shaqeeya arrimaha la halmaala ujeedooyinka Guddigani;
- Waxaa khiibraad wadaag lagu tagi labo deegaan oo la isodhaan karo waxay ku fiican yihiin nidaamka korjoogteynta iyo dabagalka hay’addaha fulinta
- Waxay Warbixin tibaaxaysa hawlaha shaqo ee ay Guddigu qabteen ayay dhamaadka sanadka u dhaweeyn kalfadhiga Golaha.