Guddiga Joogtada ee Dabagalka Xisaabaadka Dawladda
Xafiisyada ay kor-joogteeyan Guddiga Joogtada ee Dabagalka Xisaabaadka Dawladda
- Xafiiska Hanti-dhawrka Guud ee Deegaanka
Guddiyada Joogtada ee Dabagalka Xisaabaadka Dawladdu Hawlaha ay Qabtaan oo Faah-faahsan
- iyadoo la qiimeeynayo lana falanqeeynayo Qorshe sanadeedka shaqo ee Xafiiska Hanti-dhawrka Guud ee Deegaanka in la xaqiijiyo inu yahay Qorshe xambarsan xeelado iyo tabo casriya oo lagu ilaalin karo hantida dawladda iyo maalka ummada oo horseedi kara xal waara;
- Qiimaynta iyo falanqeeynta warbixinaha waxqabad ee inu ku jaango’anyahay Qorshaha guud ee Xafiiska ;
- In la suurtogaliyo diyaarinta bayaan cusub oo lagu asaasayo Xafiiska Hanti-dhawrka Guud ee Deegaanka si loo helo nidaam hufan oo isla xisaabtan iyo wada shaqeeyneed oo ka dhexeeya bahwadaagta kala duwan islamarkaana la qabto fagaare rayi’ uruurin lala yeelanayo xeer-dheerayaasha iyo laamaha ay khuseeyso oo la ahalmaala bayaankaas kadibna si ansixiyo golaha loo horgeeyo;
- In 30 Xafiis oo heer deegaan ah , 30 degmo, 6 maamul magaalo iyo 4 cusbitaal oo ka mida hay’addaha lagu helay natiijo Habtidhawr /Audit findings/ inta la xusho in booqasho indho-indhayn lagu tago la qiimeeyo;
- booqashooyinka indho-indhaynta ee la sameeyay inta jawaab celin laga diyaariyo ayaa loo gudbin laamaha ay khuseeyso si ay u qadan talaabooyinka shraci ee ku haboon; gaar ahaan kuwa aan wali taabogalin talo-bixintii Hanti-dhawrka;
- si loo xaliyo dhaliilaha lagu ogaaday booqashooyinka indho-indhaynta ayaa inta loo yeedho hay’addaha fulineed la suurtogalin in la qaado talaabooyin sixitaan;
- marka lagu jiro g/socodka dabagalka haddii dhaliilaha soo baxay ay yihiin kuwo ay tahay in lagu xaliyo heer degmo isla goobtaas ayay laamaha ay khuseeyso lagala hadli sidii xal loogu heli lahaa;
- Waxaa la diyaarin islamarkaana lala socodsiin laamaha ay khuseeyso warbixin jawaab celin iyo talo bixin la xidhiidha hawlgalada Guddiga;
- Sanadkiiba labo jeer inta loo yeedho Xafiiska Hanti-dhawrka Guud ee Deegaanka iyo waaxyaha muhiimka ah ayaa la qiimeeyn warbixinta waxqabad ee lixda bilood;
- Natiijada warbixinta waxqabad ee qorshaha shaqo ee lixda bilood ayaa inta warbixin laga diyaariyo lala socodsiin laamaha ay khuseeyso.
- Hadaba sida ay munaasibka u tahay waxay ka qaybgali shirarka heer federal ee loogu yeedho Guddiga;
- Hadaba sida ay munaasibka u tahay waxay ka qaybgali oo ay fariimaha iyo macluumaadka ku haboon ay ka gudbin fagaarayasha wada xajood ee ay soo Agaasiman haya’ddaha kala duwan ee deegaanka ee ka shaqeeya arrimaha la halmaala ujeedooyinka Guddigani;
- In loo kuurgalo talaabooyinka laga qaday Hantidii iyo Gadiidkii lagu boobay/baxsaday raabshadihii dhawan deegaanka ka dhacay awgeed, lana tirokoobo inta la soo celiyay iyo inta ilaa hadda maqan iyo talaabooyinka laga qaday shakhsiyaadka ku lugta leh ee dhamaan Xafiisyada deegaanka iyo shirkadaha horumaarinta ee deegaanku leeyahay;
- Waxay Warbixin tibaaxaysa hawlaha shaqo ee ay Guddigu qabteen ayay sanadkiiba hal mar u bandhigi kalfadhiga golaha ee dhamaadka sanadka.