Guddiga Joogtada ee Arrimaha Bulshada & Kobcinta Awoodda
Guddiaga joogtada ee arrimaha bulshada iyo kobcinta awoodu waxay yeelan /qaban hawlahan:-
b). waxay xaqiijin islamarkaana dabagalaan fidinta siyaasadaha guud ee deegaanka ee horumarinta bulshada iyo isteraajiyadaha adeegyada caafimad iyo dabargoynta waxyaabaha khatarta ku ah
t). Wxay u kurgalan islamarkaana la socdaan hawlaha lagu hakinayo fafida xanuunka HIV/Aids-ka
j). Waxay la socdaan islamarkaana dabagalaan adeegyada damaanada bulshada.
x).Waxay la socdaan islamarkaana dabagalan meelmarinta barnaamijyo la halmala jid-jiifka, wayeelka laxaadka daryeelka dhalaanka iyo dhimista shaqo la’aanta iyo arrimaha kale bulsho.
Kh).Waxay dabagalan islamarkaana xaqiijiyaan habsami u meelmarinta qorshayaasha, istiraatijiyadaha, siyaasadaha iyo shuruucda ku taxaluqa horumarinta bulshada, caafimaadka, dhalinyarada iyo ciyaaraha.
d) Wuxuu dabagalaa islamarkaana xaqiijiyan habsami u dhisida (abuurida) bulsho iyo cudud waxbaratay oo leh ka go’aanansho, karti, tayo iyo aragti dimoqradiyadeed oo mudo gabaan si balaadhen deegaanka uga tabagalin kartaa horumaar waraa.
r) Waxay xaqijiyan in la kobciyay (dhisay) awooda qorshayneed iyo fulineed ee hay’adaha dawlada.
Guddiga joogtada ee arrimaha bulshada iyo kobcinta awooddu waxay kormeer iyo dabagal ku sameeyaan hay’adaha dawladeed ee hoos ku cad.
b).Xafiiska waxbarashada
t).Xafiiska caafimaadka
j)Xafiiska warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska
x).Machadka maamulka iyo maaraynta
kh).Xafiiska abaabulka,dhalinyarada iyo ciyaaraha
d).Xafiiska kobcinta awooda
r).Xafiiska maamulka shaqaalaha dawlada
s).wakaalada shaqaalaha iyo arrimaha bulshada.
Sh). Xafiiska ka hortaga iyo xakamaynta HIV/AIDS.
Dh) Hay’adaha kale ee dawlada ee ay guddiga xidhiihdintu ay u xilsaran.