Soo-yaalka Taariikheed ee Dhismaha Golaha Xildhibaanada Deegaanka Soomaalida
- Hordhac
Kadib markii sanadkii 1983 T.I. majaaraha loo siibay taliskii dhargiiga ee ku caan baxay cadadiska iyo cabuudhinta Xuquuqaha Qoomiyadaha Reer Itoobiya, waxaa lagu heshiiyay in la ansixiyo axdi kala guur ah (charter) oo muddo sadeex sano ah shaqeeynayaa dalka laga dhiso dawlad ku meel-gaadh ah oo uu gogol-xaadha sidii loogu guuri lahaa nidaam rasmiyaa oo federal ah. Mudadii kala guurka waxaa la soo saaray bayaanka tirsigiisu yahay 7/1984 oo lagu asaasay 14 kilil oo kililka shanaad oo qoomiyada soomaalida leedahay uu ka mid ahaa. Halkaas ayuu ka soo bilaabmay asaaska gole u gaara qoomiyada soomaalida ee horeeyay ee tariikhiyaan ay qoomiyada soomaalidu kuj yeelato dalka Itoobiya. Golahas oo muddo xilleedkiisu ahaa sadeex sano wuxuu ka koobna xubno tiradoodu dhan tahay ____ oo dhamaantood ka koobnaa lab.
Ka sokoow, jiritaanka mudadas koobneyd ee golahasi ka dhisna deegaanka haddana soo yaalka taarikheed ee 6da gole ee deegaanka soomaray lagu ma soo daray , sababo la xidhiidha inu ahaa mid ku meel gaadh ah.
Sidaasi awgeed, soo yaalka taariikheed, ee Golaha sharci dejinta ee Dawladda Deegaanka soomaalidu wuxuu si rasmiyaa uga soo bilaabma wixii ka dambeeyay sanadkii 1987 oo dalka uu ka hanaaqaday nidaam federaaliyaa oo rasmi ah.Golihii koobaad ee rasmiga ahaa ee Deegaanka Soomaalidu yeeshay wuxuu muddo xilleedkiisu ahaa oo uu shaqeeynayay mudadii u dhaxeeysay 1988 ilaa 1992. Golahani wuxuu ka koobna 139 xubnood oo dhamaantood ay ahaayeen lab oo kamayna jir xubno Haween ah. Halka Golihii labad oo la doortay dhamaadkii sanadkii 1992 kaasi oo muddo xilleedkiisu ahaa mudadii uu dhaxeeysay 1993- 1997 wuxuu ka koobna 168, halka Golihii sadeexaad oo muddo xilleedkiisu ahaa 1997-2002 wuxuu ka koobna 183 xubnood . sidoo kale , golhihii afraadna uu muddo xilleedkiisu ahaa mudadii u dhaxeeysay sanadkii 2003 ilaa 2007. wuxuu ka koobna 186 xubnood. Golihii shanaad ee dawladda deegaanka soomaalidu waxaa la doortay dhamaadkii sanadkii 2007 kaasi oo muddo xilleedkiisu ahaa sanadihii 2008-2012 . wuxuuna ka koobna 273 xubnood. lakiin golahani wuxuu shaqeeyo muddo lix sano ah kadib markii cabuuqii COVID 19 ee duunida oo dhan sameeyay u sababay in doorashada hal sano dib loo dhigo, iyadoo doorashadii golaha lixaad ee deegaanku qabsoontay dhamaadkii sanadkii 2013.T.I. kaasi oo muddo xilleedkiisu yahay 2014 ilaa 2018.T.I. waa golaha hadda jira oo tiradiisu la midtahay golihii shanaad.
Dhanka kale, wixii ka horeeyay sanadkii 1994 T.I. ee Dastuurka Deegaanka dib u habeeynta lagu sameeyay Golaha xildhibaanadu mayna kala soocnayn oo golaha iyo hay’adda fulintu waxay isku jireen waxaana hogaamin jiray madaxwaynaha deegaanka. hasayeeshe, wixii ka dambeeyay sanadkii 1994 Golaha iyo kala hay’adda fulinta waa la kala saaray oo Golihii wuxuu yeeshay Afhayeen iyo Afahyeen ku xigeen u gaar ah oo lagu doorto hanaanka ku cad Qodobka 50 (2) ee Dastuurka dib loo habeeyay ee deegaanka iyo Xafiis gaar ah sida ku cad qodobka 53aad ee Dastuurka.
Sida ku cad Qodobka 48 farqada 1 iyo 2 ee Dastuurka, Xubnaha Golaha xildhibaanada ee deegaanka waxay dadweynahu shantii sannaba hal mar ku soo doortaan nidaam codbixineed oo u dhaca si loo dhan yahay ,taas oo ah qaab xor ah oo madax banaan isla markaana qarsoodi. nidaam doorasho oo uu ku guulaysto tartamaha aqlabiyada ka hela tartammayaasha kale ee goob doorasho kasta.
Golaha Xildhibaanada ee deegaanka soomaalidu sida ku cad qodobka 49 ee dastuurka masuuliyadaha ugu waa weyn ee saran golaha xildhibaanadu waxaa ka mid ah arrimahani:-
- soo saarista shuruucda kala duwan.
- daba galka iyo kormeerka hanaanka shaqo iyo waxaqabad ee hay’adaha fulinta iyo hay’adaha kale ee dawliga ee golaha hawl fulinta hoos taga, hay’ada garsoorka iyo hanti-dhawrka guud isla markaana wuxuu wax waydiin ama su’aal ugu yeedha mas’uuliyintooda, markasta oo loo bahdana talaabo ka qaadaa.
- wuxuu dhisaa guddiyo iyo qaybaha kale ee golaha islamarkaana dheegaystaa warbixinada waxqabadkooda shaqo.
- wuxuu magacaabaa ama ansixiyaa magacaabista masuuliyiinta dawlada deegaanka ee u goluhu magaacabo.
- Faah-Faahin la xidhiidha Xubnaha lixdii gole ee Golaha Heer Deegaan
Muddo xilleedka | Lab | Dhidig | Wadar |
Golaha 1aad | 139 | 139 | |
Golaha 2aad | 168 | 1 | 169 |
Golaha 3aad | 178 | 5 | 183 |
Golaha 4aad | 181 | 5 | 186 |
Golaha 5 | 198 | 75 | 273 |
Golaha 6 | 201 | 72 | 273 |
- Xubnaha golayaasha degmooyinka , magaalooyinka iyo tuulooyinka
Dawladda Deegaanka Soomaalida oo ka kooban 93 degmo, 6 ismaamul magaalo iyo 1444 tuulo waxaa golayaal barlamaan leh 68 degmo, 4 ismaamul magaalo iyo 1224 tuulo oo ku cad shaxda hoose.
Lab | Dhidig | Wadar | |
Heer Degmo | 3094 | 2063 | 5157 |
Heer maamul magaalo | 162 | 108 | 270 |
Heer Tuulo | 37509 | 25006 | 62515 |