Hoggaaminta Sare/dhexe ee Xisbiga Barwaaqo

Hoggaaminta sare/dhexe ee Xisbiga Barwaaqo ayuu tababar uga furmay magaalada Jigjiga.

Inj. Maxammed Shaalle Isaaq, Madaxa Xafiiska Xisbiga Barwaaqo ee Soomaalida ayaa soo bandhigay mawqifka iyo jihooyinka Xisbiga Barwaaqo, waxaana tababarkan oo maalmahan socon doona ka soo geyb-galay hoggaaminta Xisbiga Barwaaqo ee gobollada Faafan, Jarar iyo 4 maamul-magaalo oo ka tirsan maamul-magaalooyinka iyo hoggaaminta xisbiga ee heer deegaan.