Madashan oo ay shir guduuminaysay Afhayeenka Golaha Xildhibaanada DDS Marwo Ayaan Cabdi ayaa furitaankii kulankan kaqeybgalayaasha ufaahfaahisay ahmiyada uu leeyahay Kookaska haweenka sheegtayna in uu yahay madal ay haweenka kaga arinsadaan danadooda kuna xoojiyaan midnimadooda iyo wada jirkooda waxaa kale oo ay xustay shuruudaha lagu xulanayo hogaaminta Kookaska iyo howlaha looga fadhiyo, waxaa kale oo ay Marwo Ayaan ka dhawaajisay sida ay muhiim utahay in haweenka xildhibaanada deegaanka kamidka ah iyo kuwa kujira xukuumadaba ay umidoobaan u istaaguda danaha haweenka iskana kaashadaan difaaca danaha haween weynaha DDS.
Gabagabadii xubnaha Xildhibaanada dumarka ah ee heer deegaan ayaa soo jeediyay fikiradooda ku aadan dhismaha Kookaska haweenka iyo sida ay muhiim utahay in ay haweenku ka wada qeyb qaataan una garab istaagaan hogaamintooda.
Ugu dambayna waxaa cod gacan taag ah lagu doortay shantii xubnood ee Kookaska haweenka heer deegaan hogaanka uqaban lahaa.