Kulankan oo ay Shir gudoominayeen Afhayeenka iyo Afhayeen kuxigeenka Golaha ayaa waxaa kasoo qayb galay Gudoomiyeyaasha iyo kuxigeenada Gudiga joogtada ah iyo mas’uuliyiinta xafiiska, waxaana lagaga wada hadlay la islana eegay sidii ay gudiyadu ugu diyaargaroobi lahaayeen kormeerka iyo Dabagalka lagu soo marayo gobolada, degmooyinka iyo maamul Magaalooyinka, kormeerkaas oo lagu soo indha indhayn doono xaaladaha mashaariicda laga wado deegaanka, adeegbixinta xarumaha dowlda iyo nabadgalyada intaba.


