Guddigani joogtada ah ee Golaha Xildhibaannada DDS

“Goobihii aan soo marnay lix bilood kahor, hadda waxaan ugu nimid mashaariico mug leh oo dhawaan laga hirgaliyay iyo kuwo aan horey u soo eegnay oo wali socda” Xildhibaan Maxamed Shaqlane guddoomiyaha guddiga joogtada ah ee misaaniyadda & maaliyadda Golaha Xildhibaannada DDS.

Guddigani joogtada ah ee Golaha Xildhibaannada DDS oo toddobaadyadii u danbeeyayba guud ahaan Deegaanka ka waday kormeer iyo dabagal ayaa gaadhay dhul-beereedka iyo mashaariicaha degmada Dhagax-buur.

Guddiga oo gaadhay tuulada Fal-fal ee degmada Dhagax-buur kulammo la qaatay bulshada, iyagoo soo eegay xaaladda dhanka biyaha ee tuuladan oo aan hore u lahayn dararka xoolaha iyo qasabadaha laga dhaansado haddase dhismahooda la dhammaystiray.

Xildhibaan Maxammed Shaqlane oo guddigani hoggaaminayay ayaa noo sheegay in uu kormeerkani qayb ka yahay qorsheyaasha lagu xaqiijinayo geeddi-socodka adeeg-bixinta iyo waxqabadka dhanka mashaariicaha.