Guddiga joogatada ah ee Golaha Xildhibaannada DDS

Guddiga joogatada ah ee Golaha Xildhibaannada DDS ayaa soo kormeeray xaaladda adeeg-bixinta iyo mashaariicaha ka socda degmooyinka Awaare iyo Yoocaale.

Guddiga oo maalmahanba ku jiray kormeerro iyo dabagal ayaa mid mid u soo eegay mashaaricaha ka socda degmada Awaare sida xarunta caafimaadka, biyo-galinta laga wado degmadaasi. Guddiga ayaa soo maray biyo-xidheenka degmada Yoocaale oo roobashii u danbeeyey hantaaqeen.

Sidoo kale, xubnahani xildhibaannada ah ayaa socdaalkan ku soo maray jidka isku xidha Dhagax-buur iyo degmooyinka Awaare iyo Yoocaale. Mudaneyaasha ayaa sii wadi doona kormeerkani ay ku tagayaan degmooyinka gobolka Jarar.

Dhanka kale, guddiga taakulaynta farsamada heer Deegaan ee Dalag iyo Daryeel ayaa iyaguna soo indho’indheeyay dhul-beereedka degmada Yoocaale, iyagoo maamulka degmada iyo bulshada la qaatay kulammo lagu xoojinayo sidii looga midho-dhalin lahaa qorshahani.

Skip to content