Waxaa socda kulammo ay Golaha Xildhibaannada DDS la qaadanayaan masuuliyiinta Xafiisyada heer Deegaan; si ay ugu soo bandhigaan dhalliilaha kormeerkii ay dhawaan soo sameeyeen guddiyada joogtada ahi.
Kulammadani ayaa lala yeeshay masuuliyiinta siddeed xafiis oo heer Deegaan ah, kuwaasi oo lagula wadaagayayay war-bixinta iyo dhalliilaha ka jira dhinacyada mashaariicda, adeeg-bixinta iyo guud ahaanba waxyaabihii ay guddigu ku soo arkeen kormeerkii ay dhawaan ku soo mareen degmooyinka iyo maamul-magaalooyinka.
Maaddaama kormeerka iyo dabagallada lagu xaqiijinayo mashaariicaha iyo waxqabadka xukuumaddu qayb ka yahay shaqooyinka ugu muhiimsan ee loo igmaday Xafiiska Golaha Xildhibaannada DDS, wuxuu goluhu guud ahaan Deegaanka markii labaad sannadkan u kala diray guddiyada joogtada ah ee Golaha Xildhibaannada, kuwaasi oo soo sameeyay dabagal ay dhinacyo badan ku eegayeen.
Haddaba, Golaha Xildhibaannada DDS oo ka duulaya dhalliilhii ay guddiyadaasi soo arkeen ayaa ugu horrayn goluhu waxa uu kulammadani la yeeshay masuuliyiinta siddeed xafiis oo heer Deegaan ah, kuwaasi oo xafiisyada lagula wadaagayayay war-bixinta iyo dhalliilaha ka jira dhinacyada mashaariicda, adeeg-bixinta iyo guud ahaanba waxyaabihii ay guddigu ku soo arkeen kormeerkaasi ay ku soo mareen degmooyinka iyo maamul-magaalooyinka DDS.
Kulankani oo ay shir-guddoominayeen Af-hayeenka Golaha Xildhibaannada DDS marwo Ayaan Cabdi iyo Af-hayeen ku xigeenka mudane Ibraahim Xasan ayaa lagu bilaabay Xafiisyada Waxbarashada, Horumarinta Xoola-dhaqatada, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha iyo Xafiiska Ilaalinta Deegaanka iyo Maamulka Dhulka Miyiga. Sidoo kale waxay goluhu kulankii labaadna dhalliilaha iyo gol-daloolooyinkooda shaqo la wadaageen waxna ka waydiiyeen masuuliyiinta xafiisyada Caafimaadka, Jidadka, Xirfadaha iyo Shaqo-abuurka iyo Xafiiska Biyaha DDS.
Masuuliyiinta xafiisyadani ayaa muddadii kulanku socday wax laga waydiiyay mashaariic badan oo qabyo ka jirto iyo culaysyo bulshada dhaxdeeda ka taagan; halka ay iyaguna soo dhigayeen jawaabo ku aaddan habka ay u xallinayaan caqabadahaasi.
Marwo Ayaan Cabdi, Af-hayeenka Golaha Xildhibaannada oo kulankan gebogabadiisii ka hadashay ayaa tilmaantay dhalliilaha ka sokow, in natiijada ka soo baxday kormeerkani ay jiraan xafiisyo abaalmarinno ku mutaystay. Waxayna guddiga joogtada ahi isla madashaasi shahaado sharaf ku guddoonsiiyeen Wasiirka Xafiiska Biyaha mudane Xasan Maxamed.
Guddiga shahaadani guddoonsiiyay masuulka ayaa sheegay inay Wasiirka ku sharfeen; kaddib dadaalkii uu xafiisku ka gaystay arrimihii biyo dhaaminta xilligii abaaraha iyo u dhego nuglaanta cabashada shacabka.