Guddiyada Joogtada ah ayaa u soo Jeediyay Xafiisyada Deegaanka Waxyaabihii ay Kusoo arkeen Kormeerkoodii

Golaha Xildhibaannada DDS oo sii wada kulammadii ay la yeelanayeen masuuliyiinta xafiisyada Deegaanka ayaa maanta dhalliilihii ay guddiyadu soo arkeen u jeediyay xafiisyada Dakhliga & Nabadgalyada ee DDS.

Golaha Xildhibaannada Deegaanka oo maalmihii la soo dhaafayba ku hawllanaa kulammada ay la qaadanayeen hoggaaminta Xafiisyada DDS; si ay ula wadaagaan goldaloolooyinka ka jira dhinacyada mashaariicaha, adeeg-bixinta iyo nidaamka shaqo ee xafiisyadaasi ayaa maanta kulan la yeeshay masuuliyiinta Xafiiska Dakhliga iyo Bahda Nabadgalyada.

Kulankani oo uu shir-guddoominayay Af-hayeen ku xigeenka Golaha xildhibaanada DDS mudane Ibraahim Xasan ayay si guud goluhu ku soo bandhigeen meelaha habacsanaantu ka jirto & dhalliilihii ay guddiyada joogtada ahi ku arkeen kormeerkii ay dhawaan soo sameeyeen. Dhanka kalena, masuuliyiinta xafiisyadani ayaa jawaabo cad ka bixinayay sababaha keenay waxyaabaha aan sidii loo baahnaa u fulin iyo habka ay u saxayaan, waxaana la iskula gorfeeyay jihooyinkii looga gudbi lahaa.

“Dhalliilaha yaryar ee aad noo soo jeediseen oo aan geeddi-socodka ku sixi doonno ka sokow; waxaad ogaataan in Deegaankeennu maanta 100% amni yahay” waxa yidhi Jeneraal Maxamed Cali Xasan, Komishineerka Booliska DDS; mar uu ka jawaabayay mid ka mid ah su’aalihii xildhibaannada.

Ugu danbayn, kulammadani oo soo bilaabmay sabtidii la soo dhaafay ayaa sii socon doona illaa maalmaha innagu soo aaddan, si isla xisaabtanka xildhibaannada iyo xukuumadda loo wada gaadhsiiyo guud ahaan Xafiisyada Deegaanka.

Skip to content