Kulammadani oo imaanaya kaddib kormeerkii ay guddiyadu dhawaan kusoo mareen gobollada, degmooyinka & maamul-magaalooyinka DDS ayaa waxaa furitaankii madashaasi ka hadashay Afhayeenka Golaha Xildhibaannada DDS Marwo Ayaan Cabdi Maxamed, islamarkaasina tilmaantay in guud ahaan Wakaaladaha & Xafiisyada heer Deegaan ay guddigu wax ka waydiin doonaan shaqooyinka ay shacabka u hayaan; loona baahan yahay inay jawaab cad ka bixiyaan dhalliilaha lasoo arkay.
Xafiiska Biyaha & Xafiiska Horumarinta Xoolo-Dhaqatada DDS ayaana lagu bilaabay kulammadani iyadoo lasoo hordhigay dhalliilihii ay guddigu kusoo arkeen kormeerka oo qoraal ah, masuuliyiinta xafiisyadaasi ayaan jawaabo ka bixiyay su’aalihii madasha laga waydiiyay iyo suaalihii qoraalka ahaa ee khuseeyay shaqooyinka ay shacabka Deegaanka u hayaan xafiisyadani.




















































