Jigjiga: 30 qoys oo danyar ah ayay Xafiiska Baarlamaanka JDFI iyo xukuumadda DDS u dayactirayaan guryahooda.

Jigjiga: 30 qoys oo danyar ah ayay Xafiiska Baarlamaanka JDFI iyo xukuumadda DDS u dayactirayaan guryahooda.

Madaxweynaha DDS, mudane Mustafe Muxummed Cumar iyo af-hayeenka Baaraarlamaanka Itoobiya, mudane Taggase Chafo iyo Afhayeenka Golaha Xildhibaanada DDS Marqo Ayaan Cabdi oo ay wehelinayaan madax heer deegaan iyo kuwa heer federaal ah ayaa qoysas hayntoodu liidato oo ku nool xaafadaha 2aad & 3aad ee magaalada Jigjiga ka billaabay barnaamijka tabarucaadka danyarta oo si cusub loogu dayactirayo guryaha intii laga dumiyo guryaha duuga ah ee aan dhaxanta ka celinaynin; dayactirkan ayay lacagta ku baxaysa si Isla’eg iskaga kaashanayaan Xukuumadda DDS iyo Xafiiska Baarlamaanka JDFI.

Qoysaska nasiibka u helay barnaamijkan ayaa si farxad leh usoo dhaweeyay iyaga oo hoggaaminta uga mahad celiyay dayactirka ay ugu samaynayaan guryahooda; qoysaska nasiibka uhelay dayactirkan guryaha ee uu Xafiiska Baarlamaanka Dalku fulinayo ayaana gaadhaya 30 qoys oo danyar ah.

Xukuumadda DDS oo garowsan ahmiyadda barnaamijkani uu u leeyahay bulshada danyarta ah ayaana qorshe ahaan u qaadatay joogtaynta barnaamijkani iyada oo kaashanaysa ganacsada Deegaanka.

Dhinaca kale hoggaaminta faderaalka iyo kuwa deegaanka ayaa dhir-beeris qeyb ka ah barnaamijka cagaarinta heer qaran ka sameeyay cusbitaalka darajada koowaad ee magaalada Jigjiga.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *