“Iyadoo diinteennu meel adag iska taagtay arrinta musuqa, haddana wali bulshadeenna waxaa ka dhex muuqda dhaqan dhiirrigalinaya musuqa” Mudane C/wali Jaamac, Komishineerka Komishinka Anshaxa & La Dagaallanka Musuqa DDS.
Guud ahaan Deegaanka maalmihii la soo dhaafay waxaa si wayn uga socday qiimaynno kala duwan oo la xidhiidha soo jeedinta warbixinnadii waxqabadka iyo isla xisaabtan ku aaddan sannad-miisaaniyadeedkani dhammaaday ee 2014.T.I; si loo xaqiijiyo waxqabadka xafiisyada dawladda waxa u qabsoomay iyo waxa aan qabsoomin.
Haddaba, guddiyada joogtada ah iyo hoggaaminta Golaha Xildhibaannada DDS ayaa dhagaystay, qiimeyayna warbixinta waxqabadka sannad-miisaaniyadeedka 2014 T.I ee Komishinka Anshaxa & La Dagaallanka Musuqa DDS maadaama uu sharci ahaan ka mid yahay xafiisyada hoostaga Xafiiskani Golaha Xildhibaannada ee DDS.
Komishineerka ayaa warbixinta ku sheegay in xafiisku dadaal badan ka sameeyay dhanka wacyigelinta balse waxa uu intaasi raaciyay in dhaqanka bulshadeenna qaarkood uu u muuqdo mid qofka ku dhiirrigalinaya inuu wax musuqo. Soo jeedinta warbixintaasi kaddibna golaha ayaa masuulka u soo bandhigay su’aalo la xidhiidha meelaha qabyadu ka muuqatay iyo dhalliilaha guud ee komishinka, halka uu masuulkuna jawaabo ka bixiyay.