Shirweynahan oo ah mid sanadle ah ayaa waxaa soo diyaariyay Xafiiska Golaha Xildhibaannada DDS wuxuuna socon doona muddo saddex maalmood ah iyadoo ugu horrayn lagu dhagaysan doono war-bixinnada waxqabadka xafiisyada baarlamaanka ee degmooyinka iyo maamul-magaalooyinka.
Ujeedada shirweynahan ayaa ah in hoggaaminta golayaasha hoose ay isweydaarsadaan waayo-aragnimada shaqo; si loo dardargaliyo shaqooyinka guddiyada joogtada ah, midaynta qoryashayaasha iyo warbixinnaada shaqo ee sanadlaha ah.
Af-hayeen ku xigeenka Golaha Xildhibaannada DDS Mudane. Ibraahim Xasan oo furay shirka ayaa Af-hayeennada, madax xafiiseedada xafiiska baarlamaanka degmooyinka, maamul-magaalooyinka iyo sidoo kale gudiyada joogtada ee degmooyinka iyo maamul-magaalooyinka ku dardaaray inay muddadaasi cashirro & khibrad kala korodhsadaan.