Masuuliyiin uu hoggaaminayo Madaxweynaha DDS, mudane Mustafe Muxummed Cumar ayaa gaadhay degmada Jarati ee gobolka Afdheer si ay udarsaan saameynta uu ku keensaday nolosha bulshada fatahaada uu sameeyay wabiga Weeb gaar ahaan qabaleeyada teedsan jiinka wabiga oo ay ku barakaceen bulsho lagu qiyaasay ku dhawaad 5 kun oo qoys sida ay maamulku noo sheegeen.
Masuuliyiinta uu hoggaaminayo Madaxweynahu, ayaa dhagaystay cabashooyinka dadka barakaca ah, waxa ayna eegeen baaxadda khasaaraha ka dhashay fatahaada wabiga.
Bulshada oo masuuliyiinta la hadlay ayaa sheegay in dawladdu gurmad ufidisay balse mid kaasi ka balaadhan loo baahanyahay maadaama dadkani ay kasoo hayaameen guryahoodii rasmiga ahaa.
