Golaha Xildhibaanada Deegaanka ayaa munaasabad hadhimo sharafeed ah usameeyay gudiyada joogtada ah iyo laamaha kala duwan ee sida firfircoon uga qaybqaatay qabsoomida xuskii 18aad ee 29-ka Hidhaar.

Munaasabad qado-sharaf ah oo ahayd mid loogu mahadnaqayay hogaaminta iyo gudiyada golaha xildhibaanada, xafiisyadii iyo hay’adihii hadh iyo habeen sida firfircoon uga qaybqaatay mudadii 3-da bilood ahayd ee lagu gudo jiray diyaargarawga xuskii 18aad ee 29-ka hidhaar.

Waxaana munaasabadan kasoo qaybgalay afhayeenka iyo afhayeen kuxigeenka Golaha Xildhibaanada Deegaanka, maamulka xafiiska golaha, gudiyada joogtada ah iyo qaar ka mid ah xafiisyada dawlada ee doorka ka qaatay qabsoomida munaasabada.

Ugu dambayntiina waxaa halkaasi shahaado-sharaf lagu gudoonsiiyay maamulka mac’hadka maaraynta iyo adeega shacabka ee deegaanka, waxaana munaasabada mahadnaq balaadhan looga soo jeediyay gudiyada joogtada ah ee golaha xildhibaanada, hay’adaha nabadgalyada, warbaahinta deegaanka, bahda caafimaadka, shaqaalaha golaha xildhibaanada & dhalinyarada.

Af-hayeenka golaha xildhibaanada Marwo Ayaan Cabdi oo munaasabada ka hadashay ayaa sheegtay in wakhti kooban shaqo aad ubalaadhan lagu qabtay taasina ay tusayso awooda midnimada iyo wadashaqayntu ay leedahay.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Skip to content